Deg Deg:- Dagaal Saaka Dib uga qarxay Degaanka Qoriley ee Gobolka Sool

0
560

Wararka ka imaanaya deegaanka u dhexeeya Magacley iyo Qoriley oo dhaca hawdka u dhexeeya Mudug, Nugaal iyo Sool ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu ka bilowday dagaal aad u xoogan oo u dhexeeya dhinacyadii hore halkaasi ugu dagaalamay.

Dagaalka ayaa ka dhacay  tuulada Magacley oo 30 KM u jirta Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu Sababay Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Dhinacyadii ku dagaalamay Dhulka Hawdka ah.

Sidoo kale waxaa jirta Waan waan Madaxda Maamulka Puntland ay ka wadaan Goobaha lagu Dagaalamay,iyadoo Wafdi ka socda Puntland ay ku baxeen Colaadii ka dhacday Dhulka Miyiga ah.