DEG DEG: Golaha Wasiirada oo xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidamada Xoogga dalka

0
334

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shirkoodii caadiga ahaa maanta yeeshay ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidamada Xooga dalka Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), iyagoo magacaabay Taliye cusub.

Xil ka qaadistan ayaa qeyb ka ah is bedelo deg deg ah oo lagu sameynayo Hogaanka Ciidamada Xoogga dalka, kaasoo in muddo ah la hadal hayay.

Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa loo magacaabay Jen. Maxamed Aadan oo ka mid ahaa Saraakiishii hore.

Golaha Wasiirada ayaa meel mariyay soo jeedinta Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ku saabsaneyd xil ka qaadista Taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo magacaabista Taliye cusub iyo Labo Abaanduule.

Jen. Dahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa muddo labo sano iyo bar hayay xilka Taliyaha Ciidamada xoogga dalka

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe