Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Baay Iyo Faah Faahin Dheraad ah Oo Ka sobaxeyso

0
299
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeyn Diyaaradaha Dagaalka Amisom ay ka geysteen Koonfurta Somaliya, gaar ahaan deegaanka 20 Jiroow oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al Shabaab.

Deegaanka 20 Jiroow Magaalada Baydhabo qiyaastii waxa ay u jirtaa 60-KM waxaana la sheegay xilliga duqeynta ay dhaceysay inay halkaasi ku shirayeen Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Wasiirka Dhaqan Celinta iyo Hub ka dhigista Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed, ayaa sheegay Duqeyntaasi inay u dhacday sidii loogu talo galay.
Wasiirka wuxuu shegay in la beegsaday Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab oo ku shireysay deegaanka, balse ma uusan sheegin Wasiirka Khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.
Duqeynta waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka Amisom, gaar ahaan kuwa ay wataan ciidamada Itoobiya ee howlgalka Midowga Afrika qaybta ka ah.
Si rasmi ah looma oga duqeyntaan ka dhacday Deegaanka 20 Jiroow Khasaaraha ka dhashay, iyadoo weli aysan ka hadlin Ururka Al Shabaab.

diyaarad