EPL: Kooxaha Manchester City iyo Arsenal oo guulo wada gaaray… (Wiilasha City oo wali shabaqooda la taaban la’ yahay)

0
377
Theo Walcott of Arsenal scores a goal to make the score 1-0 during the Barclays Premier League match between Arsenal and Stoke City played at The Emirates Stadium, London

Kooxda kubadda cagta Manchester City ee hoggaanka u haysa haatan horyaalka Premier League ayaa gaartay guusheedii shanaad oo xiriir ah, halka Arsenal ay iyaduna ka adkaatay Stoke City.

Manchester City ayaa hoggaanka ku qabtay 15-dhibcood, kaddib markii ay galabta Crystal Palace oo ay marti u ahayd ka gaartay guusheedii shanaad oo xiriir ah.

Ciyaartan ayaa waxa ay hayd mid aad u adag oo weer iyo weerar celis ahayd, laakiin ma suuro gelin in waqti hore goolal la iska dhaliyo, Man City ayaa dhammaadkii ciyaarta la timid goolka guusha waxaana u dhaliyey da’yarka Kelechi Iheanacho, markii isagoo bedel ku soo galay uu dhameystiray kubbad laga soo tufay Nasri.

Man City shantii kulan oo ay ciyaartay horyaalka waa ay wada badisay, ku darsoo wali shabaqeedaa waa la taaban la’yahay oo wali wiilasha Man City gool lagama dhalin shantaas kulan, waxaana ay ku naaloonayaan hoggaanka horyaalka Premier League, iyagoo leh shan dhibcood.

Dhanka kale kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa 2-0 uga adkaatay Stoke City oo marti u ahayd, waxaana labada gool labadii qeybood ee ciyaarta kala dhaliyey 31’ daqiiqo Theo Walcott iyo 85’ daqiiqo Olivier Giroud, waxaana ay Gunners sidaas ku fadhisaa kaalinta labaad iyadoo leh 10-dhibcood.

Theo Walcott of Arsenal scores a goal to make the score 1-0 during the Barclays Premier League match between Arsenal and Stoke City played at The Emirates Stadium, London