Ethiopia oo ka hadashay Sida ay kaga hortagto weerarada Al-Shabaab

0
314
Dowlada Ethiopia ayaa xog badan ka bixisay waxyaabaha sababay in Al-shabaab aysan weeraro ka geysan inta badan gudaha dalka Ethiopia si lamid ah weerarada ay ka geysteen dalalka Kenya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya.

Wadamada Kenya, Uganda iyo Burundi ayaa ciidamo ka socda dalalkooda waxay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana dalalkaasi ka dhacay weeraro Al-shabaab ay sheegteen masuuliyadooda haba u badnaadee dalka Kenya.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Ethiopia Tewolde Mulugeta, ayaa sheegay in xogta qarsoon ee dalka in la ilaaliyo ay noqotay mid ay wada fahmeen dadka ku dhaqan dalka Ethiopia, waxaana uu sheegay in shacabka oo amaanka kala shaqeeya ciidamada ay sabab u noqotay in weerarada Al-shabaab ka hortagaan.

“Waxaan garaneynaa Nabad La’aan waxay tahay, muhiimadana shacabkeena way nala fahamsan yihiin, waxay doonayaan in qofna uusan dhibaateyn amniga”ayuu yiri Afhayeenka wasiirka arimaha dibada Ethiopia.

“Dadkeena marnaba ma doonayaan iney usoo gudbaan dad nabada kasoo horjeeda, waxayna diyaar u yihiin iney ciidamada la wadaagaan xogo walbaa oo la xiriiro amaanka qatarna ku ah, waxay kaloo diyaar u yihiin iney la dagaalamaan”ayuu yiri Afhayeenka wasiirka arimaha dibada Ethiopia.

Afhayeenka ayaa tusaale usoo qaatay hal qarax oo sanadkii 2013 ka dhacay magaalada Addis Ababa oo ay ku dhinteen labo ruux oo uu sheegay iney ahaayeen dadkii diyaarinayay, iyada oo ciidamada amaanka ay ka hortageen waxyeelo kale, sida uu hadalka u dhigay.