Faah-faahin ka soo baxaysa Ciidanka AMISOM oo ka baxay Degaan ka tirsan G/Hiiraan

0
307

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Hararlugey ee Dagmada Jalalaqsi  Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ay halkaasi iskaga baxeen.

Goobjoogeyaal ayaa Radio Hiiraanweyn  u sheegay in Ciidamada AMISOM ay Faarujiyeen Degaanka,iyadoo aan la ogeyn Sababta.

Wax yar kadib Bixitaanka Ciidamada  nabad ilaalinta  AMISOM ayaa Degaanka waxaa la wareegay Dagaalameyaal ka tirsan Xarakada  Al-shabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa inta lagu guda jiray Bishaan waxaa ay ka baxeen Degaano Muhiim ah oo ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM waxaa ay horay u sheegtay in Sababtu ay tahay Xeelad Dagaal,balse aysan jirin Cabsi ay ka qabaan Weeraro uga yimaada Al-shabaab.

AMISOM DAGAAL