Faah faahin ka soo baxeysa dagaal ka dhacay Dagmada Halgan Ee Gobolka Hiiraan

0
394
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah Degmada Halgan ay kula galeen Dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee aaga Degmada Halgan ayaa u sheegay Warbaahinta dagaalkaasi inay qaadeen ciidamada Dowladda ayna weerareen duleedka Degmadaasi oo Shabaab ay ku sugnaayeen.
Maxamed Cumar Cabdulle, oo Saraakiisha ciidamada ka mid ah, ayaa sheegay inay ku guuleysteen Shabaab inay ka saareen deegaano ay Halgan duleedka ka joogeen.
Sarkaalkaan ma uusan sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, balse wuxuu tilmaamay ciidamada Dowladda inay guulo ka gaareen oo Shabaabka ay khasaaro gaarsiiyeen.
Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku dagaalamaya Shabaab iyo ciidamada Huwanta.

halgan