Falanqeynta Kulanka Darbiga Ah Ee St Mery Ku Dhexmari Doona Kooxaha Southampton vs Manchester United

0
371
Rate This

Southampton

Manchester United ayaa marti u noqon doonta kooxda Southampton maanta ciyaar ka dhici doonta garoonka St Mery xili kooxda shayaadiinta cas-cas ay isha ku hayaan iney tiigsadaan booska labaad ee horyaalka oo haatan u furan.

Manchester United kaliya hal guuldaro ayey la kulantay shantii kulan ee ay ciyaartay xagaagan cusub Swansea City ayaana guuldaradaas kusoo gaarsiisay Liberty Stadium, sidoo kalana waxey barbaro la isku rafaaday la gashay Newcastle United. Dhanka kale Southampton si fiican kuma aysan bilaaban xagaagan horyaalka madama ay kaliya hal guul gaartay shantii kulan ee ay ciyaartay.

OGEYSIISKA CIYAARTA:

Kulanka: Southampton vs Man United

Tartanka: Premier League

Garoonka: St Mery

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)

MAXAA CUSUB?

Luke Shaw oo labada maaliyad ee labada kooxood gashtay ayaa kulankaan seegaya kadib markii lugta laga jabiyay arbacadii kulan ay kooxdiisa guuldaro kala kulantay PSV Eindhoven kulan ka tirsan koobka horyaalada yurub, Daley Blind ayaa ciyaari doona booska bidix ee daafaca.

Rooney oo seegay labadii kulan ee ugu dambeysay ayaa filanaya inuu kusoo bilowdo isagoo badali doona Anthony Martial, sidoo kalana Morgan Schneiderlin ayaa isna kusoo laabanaya shaxda kooxda.

 

Saido Mane oo kursiga la galiyay kulankii ay Saint barbaraha la gashay West Brom

LINE UPKA MACQUULK AH:

SOUTHAMPTON:

Stekelenburg; Soares, Fonte, van Dijk, Targett; Wanyama, Ward-Prowse, S. Davis, Mane, Tadic; Pelle

MAN UNITED:

De Gea; Darmian, Smalling, Rojo, Blind; Carrick, Schneiderlin; Mata, Herrera, Memphis; Rooney

XAQIIQADA KULANKA:

Kulankii ugu dambeeyay labada kooxood ee dhacay bishii April wuxuu kusoo dhamaaday 3-1 oo ay guusha ku raacday Southampton.

Manchester United waxey badisay lix ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay oo booqatay St Mery, waxaana ku jira laba kulan oo ka tirsan FA Cupka oo dhacay 2009 iyo 2011.

Guud ahaan 18-kii kulan oo ay labadaan kooxood ciyaareen, kaliya sadex jeer ayey badisay Southampton.