Golaha Ammaanka oo u hanjabay Al-shabaab

0
373

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarkii dhawaan ururka Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose.

Warxafaadeed uu soo saaray Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay,ayaa lagu sheegay in Golaha uu aad uga xun yahay wixii 1-dii bishan Septemper, ka dhacay degmada Janaale gaar ahaan saldhigga Ciidanka AMISOM, iyagoo tacsi u diray dhamaan ehalka dadkii ku waxyeelloobay iyo sidoo kale Shacabka Dowlada Uganda

Warbixinta ayaa intaasi dartay, in Golaha ammaanka uu qirsan yahay kartida Ciidanka midowga Afrika iyo sida geesinimada leh ee ay ugu bareereen dagaalka Al-Shabaab ay la galeen, iyadoo Goluhu uu ku dhawaaqay in dadkii ka dambeeyay weerarkaasi si deg deg ah cadaaladda loo horkeeni doono, si loogu qaado ciqaabta ay mudan yihiin.

Golaha ammaanka ayaa ugu danbeyntii ku baaqay in si wada jira ah loo garab istaago Soomaaliya iyo AMISOM, si looga adkaado dadka falalka argagixisada ka wada Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka