Madaxda dowladda iyo kuwa Gudoomiyayaasha Ka ah Gobolada Dalka Hada uga socda Madaxtooyada

0
327

Madaxda Maamul goboleedyada dalka ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo maalinta berri ka qeyb galay shirka looga hadlay hanaanka doorasho sanadka 2016.

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo degay diyaarado gaar ahaa oo kala siday Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa xilligan kulan albaabada u xiran yahay uga socda Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan oo ah mid qado ah oo Madaxweynaha u sameeyay Madaxda Maamul goboleedyada ayaa horu dhac u ah shirka maalinta berri ka furmaya magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hor inta aanu ka soo ambabixin Galkacyo sheegay in mowqifka Puntland aanay waxba iska bedelin, isla markaana wax aanay u cuntameyn reer Puntland aanu u soo qaadi doonin.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland lagu cadaadiyay inuu shirkan ka qeyb galo, iyadoo horay Puntland u diiday shirka looga hadlayo hanaanka doorashooyin ee ka dhici kara Soomaaliya sanadka 2016.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cadeysay in aanay sanadka 2016 ka dhici karin doorasho qof iyo cod, sidaas darteed loo baahan yahay in laga tashato nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici karta.

Shirka wada tashiga ayaa waxaa maalinta berri ka qeyb galaya Xubnaha Beesha Caalamka, Ururada Bulshada, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro go’aano.