Malaayiin Muslimiin ah Xujey ah oo maanta taagan Buurta Carafo

0
335

Malaayiin qof oo Muslimiin Xujey ah oo ka kala tagay caalamka daafihiisa ayaa maanta taagan Buurta Carafo, si ay u gutaan rugniga ugu weyn ee acmaasha xajka, iyadoo Muslimiinta kalena ee aan sanadkan xajin ay sooman yihiin maanta, si ay dambi dhaaf labo sano u helaan.

Xujeyda sanadkan xajineysa oo ka badan saddex milyan ayaa saaka aroortii u dareeray Buurta Carafo, si ay ugu gutaan mid ka mid ah rugniga ugu muhiimsan ee xajka, Nabi Muxamed (NNKH) ayaa yiri Xajku Waa Carafo, taasoo Culimada ay sheegeen in acmaasha ugu weyn ee Xajka inay dhaceyso maalinta Carafo.

Sidoo kale Xujeyda ayaa maanta marka ay qoraxdu dhacdo waxay u dareeri doonaan dhanka Musdalifa, si ay habeenkooda ugu qaataan alle bari, ama ay u dhameystiraan waajibaadkooda xajka, waxaana ay isku jamcin doonaan salaada maqrib iyo cisho.

Faa’iidooyinka leedahay Maalinta Carafo ayaa ah mid aad u weyn, waxaana muslimiinta looga baahan yahay in maanta oo kale ay ka faa’iideystaan lana duceysto.

Maalinta berri oo ah Maalinta Ciidul Adxa ayaa ah ciidaha uu Islaamku weyneeyo, waxaana looga baahan yahay Muslimiinta inay sadaqo la baxaan, qofkii awoodana uu gowraco neef, si uu u sadaqeysto.

Hadaba waxaa dhamaan Umaddaha Islaamka, gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyneynaa soo galida Ciida Carafo, anagoo Alle uga baryaynay dambi dhaaf, naxariis iyo in Alle dhibka ka dulqaado.

Si kastaba ha ahaatee waxaa sanadkan ka qeyb galay gudashada waajibaadka Xajka Soomaali fara badan oo ka kala tagay dalka gudihiisa iyo dibadiisa, waxay dhammaantood si aad ah ugu duceynayaan Dalkooda Hooyo iyo dadkooda oo ay musiibada ku habsatay.