Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Xabsi Daa’in ku riday Sadax Ruux oo Waxyaabaha qarxa lagu soo qabtay

0
352

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa maanta xukuno xabsi daa’in ah waxa ay ku riday sadax ruux oo lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen Xarakada Al-Shabaab , kuwaa oo dhawaan laga soo qabtay guri kuyaala Degmada Yaqshiid.

Sadaxdan qof ee xukunka xabsi daa’inka ah lagu riday ayaa kala ahaa labo nin iyo Haweeney, waxaana sadaxdan ruux laga soo qabtay guri kuyaala Degmada Yaqshiid halkaas oo la sheegay in ay ku farsameenayeen waxyaabaha qarxa.

Kaaliyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee darajadda koowaad Xasan cali Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in sadaxdan ruux ay yihiin dambiilayaal galay dambiga lagu soo oogay ee ahaa in ay katirsan yihiin Al-Shabaab ayna gacanta ku hayeen waxyaabaha qarxa, waxa uuna ku dhawaaqay in lagu riday xukuno xabsi daa’in ah.

Xubnaha ay Maanta Maxkamada Ciidamada qalabka sida xukunada ku riday ayaa kala ahaa

1- Xuseen Cabduqaadir Salaad
2- cabdirisaaq xuseen Cusmaan
3-Fartuun Isaaq Cabdi

Xasan Cali Shuute oo xukunka ku dhawaaqay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xubnahan xukunka xabsi daa’inka ah maanta lagu riday ay fursad u heestaan in ay racfaan ka qaataan xukunka lagu riday.