{DAAWO SAWIRADA}Meydadka Askartii Uganda ka soo jeeday oo laga dajiyay Kampala

0
379

Meydadka 10 askari oo ugandes ah oo lagu dilay weerarkii Al-shabab ay kuqaadeen saldhiga AMISOM ee magaalada Janaale ayaa dib loogu qaaday wadanka asal ahaan ay ciidamadu kasoo jeedaan ee Uganda.

Afhayeen uhadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Paddy Ankunda ayaa sheegay in jawaab adag Uganda ahaan ka bixin doonaan weerarkii Uganda ciidamada looga laayay ee ay Al-shabab kageysteen Janaale, wuxuuna afhayeenku beeniyay in 50 askari Uganda laga dilay.

Dowlada Uganda ayaa xaqiijisay in 12 askari kaliya ay uga dhinteen weerarka ay ay Al-shabab kuqaadeen saldhiga ciidamada midowga Afrika ee Shabelada hoose inkastoo Al-shabab afhayeen uhadlay uusheegay in weerarkaasi ay kudileen 70 ciidamada AMISOM ah.

Ciidamada Uganda ayaa qeyb ka ah 22,000 oo askari oo kasocda wadamo gobolka ah kuwaa oo dagaal kula jira Xarakada Al-shabab oo xiriir laleh Al-Qaeada.

Paddy Ankunda ayaa wacad ku maray in Uganda ahaan ay sii wadi doonaan howgalka nabad ilaalinta ee ay kawadaan Soomaaliya inkastoo ay wajaheen khasaare xoogan oo ciidamadooda soo gaaray.

Al-shabab waxa ay Lumiyeen dhul balaaran oo ay ka haysteen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya hadana waxay umuuqdaan kuwo awood u leh inay qaadaan weeraro xoogan oo kadhan ah ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowlada Soomaaliya ee iyaga dagaalka kala soo horjeeda.

1 2 ds