Nin Soomaali ah oo ku eedeeyay Germany gacan ka geysasho duqayn lagu dilay aabbihiis

0
339
Nin Soomaali ah ayaa maxkamad ku taalla magaalada Zweibruecken ee dalka Germany u gudbiyay dacwad ka dhan ah dowladda Germany oo uu ku eedeeyay inay qeyb ahaan mas’uul ka tahay dilka loo geystay aabbihiis oo xoolo-dhaqato ahaa.

Aabbihiis ayaa sanadkii 2012 lagu dilay duqayn drone oo Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya.
Xeer ilaaliyeyaasha ku sugan magaalada Zweibruecken ayaa Talaadadii sheegay in ninka, oo ay mataleyso hay’ad Mareykan ah, uu ku doodayo in dowladda Germany ay door ku leedahay mas’uuliyadda dilka loo geystay aabbihiis, maxaa yeellay wuxuu sheegayaa in weerarrada drones-ka loo adeegsado ee laga geysto qeybo ka tirsan Afrika laga soo abaabulo dalka Germany.
Dowladda Mareykanka ayaa xarunta taliskeeda Afrika iyo waliba saldhig ciidanka cirka ah ku leh koonfurta Germany.
Afhayeenka nimdaamka sharciga ee Germany, Martin Grasshoff, ayaa sheegay inay baarayaan dacwadda si loo xaqiijiyo haddii ay jiraan caddaymo ku filan in la furo baaritaan.
Maxkamad kale oo ku taalla magaalo kale oo Germany ka tirsan ayaa horey u diiday kiis kan la mid ah bishii May, iyadoo sheegtay in dowladda Germany aanay wax dambi ah ku lahayn arrintan maadaama ay Mareykanka heshiis kula gashay in saldhigyada uu ku leeyahay Germany uu ku maamulo si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa Germany u degsan.