Saxiixayaasha Mooshinka Madaxweynaha oo soo dhoweeyay qorshaha Maareynta Mooshinka

0
364

Warsaxaafadeed ay soo saareen saxiixayaasha mooshinka laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ay ku soo dhoweeyeen maareynta mooshinka laga keenay Madaxweynaha oo uu soo bandhigay guddoonka baarlamaanka.

War saxaafadeedkan oo 14 qodob ayaa saxiixayaasha Mooshinka waxa ay ku sheegeen in ay ku qanacsan yihiin shuruudaha wadahadalka ee ku xusan warsaxaafadeedka ka soo baxay guddoonka baarlamaanka. Saxiixayaasha ayaa bogaadiyay in Madaxweynuhu uu oggolaaday in wadahadalka balse waxa ay ka muujiyeen walaac in in Ra’iisul Wasaaraha wada hadalka ku matalo Madaxweynaha.

Saxiixayaasha ayaa rumeysan in  aanay munaasab ahayn, maadaama uusan mooshinka ahayn mid codka kalsoonida ah lagu helayo, balse uu yahay eedeymo fal dambiyeed culus oo ka dhan ah Madaxweynaha JFS. Waxayna sheegeen in taasi ay abuuri karto faham qaldan oo ah in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Golaha Shacabka iyo Golaha Fulinta, kaasi oo aan meesha ma oolin.

Haddaba halkan ka aqriso warsaxaafadeedka saxiixayaasha Mooshinka ka dhan ka ah Madaxweynaha.

 

SAXIIXAYAASHA MOOSHINKA XILKA QAADISTA MADAXWEYNAHA JFS

WAR SAXAAFADEED