Sir Alex Ferguson oo daaha ka rogay sababtii uu kaga tagay Man United isagoo la sii joogi kara!

0
335

Macallinka guulaha Sir Alex Ferguson ee muddada dheer la soo joogay Man United ayaa ugu dambeyn daaha ka rogay sababtii uu uga tagay Man United isagoo kara inuu la sii joogo.

Ferguson ayaa sheegay inuu la sii joogi karayay Man United balse uu uga tagay sababo la xiriira dhimashadii gabadha mataanta la ahayd xaaskiisa Cathy ee Bridget Robertson.

Man United ayaa dhibtooneysa tan iyo markii uu xilka iska dhiibay Ferguson dhamaadka xilli ciyaareedkii 2012-13, iyadoo jagada loo caleemo saaray David Moyes oo sagaal bilood uun hayay ka hor inta aan xilka loo magacaabin Louis van Gaal oo iminka ka arimiya.

Laakiin Man United ayaa intaa ka hor sanado badan oo farxadeed la qaadaneysa Ferguson ka hor inta aysan dhiman gabarta mataanta la ah xaaskiisa bishii October 2012, waxa uuna intaa kaddib Ferguson ogaaday inay tahay waqtigii uu shaqada iska casili lahaa si uu waqtigiisa ugu huro xaaskiisa.

“Shaki la’aan, waan sii wadi karay shaqada Man United,” Ferguson ayaa sidaa u sheegay The Telegraph.

“Habeen ayaa waxaan arkay Cathy Ferguson oo taleefishinka daawaneysa, waxayna kor u eegtay saqafka sare, waan ogaa inay go’doon-santahay.

“Waa ogtahay inay mataano ahaayeen iyada iyo Bridget.

“Laakiin markaan kolkan u sheegay inaan shaqada isaga fariisanayo wax diidmo ah ma aysan ka bixin, waan ogaa inay dooneyso inaan ka fariisto shaqada.”.

Sir Alex Ferguson 39-sano ayuu ku qaatay shaqada tababaranimo, 27-sano oo ka mid ahna wuxuu macallin u ahaa Man United oo uu kula guuleystay 13-jeer Premier League.

Man United ayaa axada u safreysa Southampton iyadoo ku rajo wayn inay dib ugu soo laabato wadada guusha kaddib guul daradii ka soo gaadhay Champions League kulankeeda furitaanka.

Sir