Taliska AMISOM ee Qeybta 4aad oo sheegay in go’doonkii ay ku jirtay Buulo Burde ka baxday

0
365

Taliska Ciidamada AMISOM ee qeybta afaraad ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in go’doonkii ay ku jirtay degmada Buulo Burde ay ka baxday, isla markaana socdaan qorshayaal kale oo la isugu furayo deegaanada kale ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee qeybta afaraad ee howl galka AMISOM Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil ayaa u sheegay Idaacada VOA in Ciidamada Jabuuti ay maanta si rasmi Ciidamadii Burundi kala wareegeen degmada Jalalaqsi.

Waxaa uu sheegay in Ciidamadii Burundi ee ugu dambeeyay ay maanta ka baxeen Jalalaqsi, isla markaana loogu tala galay qeybta shanaad ee howl galka AMISOM sida uu yiri.

“Jalalaqsi waxay ka mid tahay qeybta afaraad ee aan Mas’uulka ka nahay ciidankii Burundi maanta ayay guureen, maadaama Ciidamadii Jabuuti ay yaraayeen, ayay Burundi sidaas u kaabeysay”ayuu yiri Taliyaha.

Col. Dhimbil ayaa sheegay in Go’doonkii ay ku jirtay degmada Buulo Burde ay ka baxday, isla markaana ay hada furan tahay wadada isku xirta Buulo Burde iyo Jowhar.

“Go’doonkii ay ku jirtay Buulo Burde waa ka baxday, waxaa hada furan wadada Jowhar, sidoo kale inta u dhaxeysa Buulo Burde iyo Beledweyn, kolkii loo baahan yahay ayaa marnaa Shabaab ayaa jooga, laakiin waxaa sugeynaa qalab ciidamada waa diyaar inay isku furaan Beledweyn ilaa Muqdisho”ayuu yiri Taliyaha qeybta afaraad ee AMISOM.

Degmada Buulo Burde oo Al-Shabaab laga saaray bishii Maarso ee sanadkii hore ayaa muddo sanad iyo bilooyin aheyd mid go’doon ku jirtay, isla markaana Al-Shabaab ay jareen jidadkii sahayda u marayay, waxaana jiray mudadii go’doonka ku jirtay in sare u kac u yimaadeen maciishada, ayna dad dhowr ah u dhinteen haraad, markii xaalada ku adkaatay, isla markaana ka lugeeyeen degmada.