Top 10: Halkaan Ka Aqriso Tobanka Xidig Ee Ugu Mushaarka Badan Horyaalka Ingiriiska, Maxaa Is Badalay?

0
408

Horyaalka Ingiriiska waa mid ka mid ah horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub sidoo kalana ku darso xisaabta inuu yahay horyaalka ugu xamaasada badan qaarada yurub, markaan waxaan eegi doonaa liiska tobanka xidig ee ugu mushaarka badan horyaalkaan.

Isbadal ayaa dhacay kadib markii kooxaha qaar ay sameeyeen saxiixyo mushaar qaali ah lagu soo jiitay waxaana ka mid ah Raheem Sterling iyo Kevin De Bruyne oo Manchester City u yimid dhawaan.

Liiskan Shan xidig waxaa ku yeelatay Manchester City: Yaya, Aguero, Silva, Sterling iyo De Bruyne, Man United iyana Rooney ayey ku yeelatay oo ah xidiga ugu mushaarka badan Horyaalka Ingiriiska, Blues waxey ku leedahay sadex xidig waana Fabregas, Hazard iyo Terry, halka Arsenal ay ku yeelatay Mesut Ozil.

Liiska Halka Hoose Ka Aqriso:

1. Wayne Rooney (Man Utd) £260,000

2. Sergio Aguero (Man City) £240k

3. Yaya Toure (Man City) £240k

 

4. Eden Hazard (Chelsea) £220k

5. David Silva (Man City) £200k

6. Mesut Ozil (Arsenal) £190k

7. Raheem Sterling (Man City) £180k

8. Cesc Fabregas (Chelsea) £170k

9. Kevin De Bruyne (Man City) £170k

10. John Terry (Chelsea) £160k

Si kastaba liiskaan waa kii ugu dambeeyay ee lasoo saaro kadib markii uu soo xirmay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda horaanta bishaan September.