UNHCR oo sheegtay Tirada Qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabtay Kenya

0
330
Hay’ada Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in dad badan oo Soomaali ah ay kasoo laabteen xeryaha qaxootiga Kenya ayna kusoo laabteen dalkooda Hooyo.

Tan bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay ku dhawaad 4,108 ruux oo qaxooti Soomaali ah ayaa kusoo laabtay dalka Soomaaliya, iyaga oo la geeyay gobolo kala duwan oo ku yaala koofurta dalka Soomaaliya.
Hayada UNHCR ayaa sheegtay in ku dhawaad 250 ruux oo qaxooti ah ay kusoo laabteen Soomaaliya todobaadkaan kuwaasi oo gaadiid kaga soo tagay Dhadhaab halka 224 ruux diyaarad lagu keenay magaalada Muqdisho horaantii bishan September.
Tirada guud ahaan ee lagu caawiyay iney kusoo laabtaan Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney gaareyso 4,108 ruux oo qaxooti ah, waxaana 3,510 kamid ah dadkaasi lagu soo celiyay gaadiidka dhulka halka 598 ruux diyaarad lagu keenay Soomaaliya, sida UNHCR ay shaacisay.
Waxaa hayada ay sheegtay in dad kale oo qaxooti ah ay isku diyaarinayaan iney kusoo laabtaan Soomaaliya, kuwaasi oo hayada ay ka taageereyso soo laabashadooda.
Dalka Kenya waxaa ku sugan qaxootiga ugu badan badan caalamka, waxaana Soomaalida ay kamid tahay dadka ugu badan eek u nool xeryaha dhadhaab.