Wararkii ugu dambeeyay xaalada Muqdisho, kadib qaraxii xalay

0
668
Xaalada Magaalada Muqdisho, ayaa saaka degan kadib markii qarax culus oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu xalay maqribkii ku qarxay afaafka hore ee Madaxtooyada.

Dad badan ayaa qaraxaan ku dhaawacmay kuna dhintay, kuwaasi oo isugu jira ciidan iyo dad shacab ah, gaar ahaan haween qaad ku iibinaayay afaafka hore ee Madaxtooyada Somaliya.
Ugu yaraan todobo ruux ayaa ku dhintay qaraxaan, halka ay jiraan dhaawacyo badan oo dad shacab ah, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxan waxaa sheegtay masuuliyadiisa Ururka Al shabaab oo sheegay inay ku dileen dad ciidan ah iyo Ajaanib, inkastoo aanan la xaqiijin karin sheegashada Ururka Shabaab.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya dadka dhintay inay ka mid yihiin Rag u dhashay dalka Turkiga.
Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ah goob aad u bur bursan , maadaama qaraxa saameyntiisa uu gaaray meelo ka fog halka qaraxa uu ka dhacay.

muqdisho