Wasiirro ka tirsan Puntland oo Digniin u diray Dadka wada Dagaalka Sool

0
320

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Puntland Axmed Karaash  ayaa ka hadlay dagaal beeleedkii ka dhacay Degaanka Qoriley ee Gobolka Sool,waxaana wasiirku uu sheegay in ay jiraan Dad wada Dagaalkaasi islamarkaana kicinaya Xiisada iskuna diraya Dadka Reer Guuraagaa ee halkaa ku nool.

Sidoo kale Axmed Karaash ayaa intaa ku daray in Dadka Hurinaya Colaad Qorileey ay yihiin,kuwo aan Dan u hayn Shacabka halkaa ku dagaalamaya oo ay yihiin kuwo Fidno wadayaal ah.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa dhankiisa sheegay in Reer Puntland ay ka Xun yihiin Shacabka ku dagaalamaya Gobolka Sool,xukumadda Puntlandna ay wax ka qabaneyso.