Xarakada Al-shabaab oo la wareegay deegaanka Yaaq-bari weyne ee gobolka Sh/hoose

0
360
Wararka naga soo gaarayo deegaanka Yaaq-bari weyne ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-shabaab dagaal deegaankaasi ay kula wareegeen.

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Al-shabaab iyo kuwa Dowlada ayaa xalay ka dhacay deegaankaasi,waxaana dagaalka oo mudo socday Shabaab u suurta gashay ciidamada Dowlada ka saaraan deegaanka ka dibna ay la wareegaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo taabacsan Al-shabaab si buuxda Yaaq-bari weyne saakay si buuxda ugu sugan yihiin.
Gudoomiye kuxigeenka dhanka maamuliyada maamulka gobolka Shabeelaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in dagaal culus ka dib Al-shabaab deegaankaasi ay la wareegeen.
Sidoo kale,ururka Al-shabaab ayaa gelinkii danbe ee shalay la wareegay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose,Ka dib markii ciidamad AMISOM guud ahaan deegaankaasi isaga baxeen.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa  Wakaalada wararka Reuters u sheegay in dib u qabsashada Shabaab deegaanada Soomaaliya aysan ka dhigneyn iney dib u soo noqotay awoodii ay horay u lahaayeen.