Xasan Sheekh oo ka Tacsiyeeyay 45-Askari oo Dowladda Imaaraadka looga Dilay Dalka Yemen

0
312

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyay Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta, Sheekh Khalifa bin Zayid Al Nahyan iyo Shacabka waddakaas dilkii 45 askari oo Imaaraati ah loogu geystay Yemen.

“Askarta geesiyada ah ee dhintay waxay naftooda ku waayeen iyagoo difaacaya Qaddiyad ku dhisan xaq iyo caddaalad, Dhimashadoodaasna ma hakin doonto taageerada Jaamacada Carabta ay ka Geysanayso nabad ka dhalinta Yemen,’’ ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale ku celiyey in Somalia ay si buuxda u Taageersan tahay Mowqifka Jaamacadda Carabta ee ku Aaddan Xasaradda ka Taagan Yemen iyo sidoo nabad buuxda loogu heli lahaa. isagoo Askarta Geertiyootay u weydiiyay Alle inuu jannadiisa ka waraabiyo.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash ayaa sheegay shalay oo Sabti ahayd in Askartan ay Geeriyoodeen, kaddib markii Mucaaradka ay xoogagga Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen ay gantaal ku dhufteen bakhaar hubka lagu kaydiyo oo ciidamadani ay ku sugnaayeen.

Weerarkaas ayaa waxaa ciidamada Imaaraadka Carabta ee ku sugan Yemen ka soo gaaray khasaare xooggan, iyadoo maydadka 45-kan Askari la geeyay Abu Dhabi si halkaas loogu Aaso.

Ugu dambeyn, Ciidammo ka socda dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah Isbahaysiga uu Sucuudigu Hoggaaminayso ee Taageeraya Dowladda Sharciga ah ee ka jirta Yemen ee Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi.