Xiisad ka taagan deegaanka Xawaadleey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

0
393

Xiisad ayaa ka taagan deegaanka Xawaadleey oo hoostagga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xiisadan ay salka ku haysa hanaan qaadista canshuurta deegaanka.

Arimaha ay salka ku hayso xiisadan ayaa waxa ay tahay Taliyihii hore ee deegaanka Xawaadleey oo isbedel lagu sameeyay inuu weli qaadayo canshuurta.
Rooble Maxamuud oo ah Taliyaha cusub ee deegaanka Xawaadleey ayaa u sheegay Risaala in canshuurta uusan xaq u laheyn inuu qaado Taliyihii hore, isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray sharci ahaan canshuur qaadista inuu leeyahay Taliyaha cusub.
Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, weli arintaan ma uusan soo faragelin waxaana Taliyaha cusub ee deegaanka Xawaadleey uu ka digay xiisada ka taagan deegaanka inay gacan ka hadal isku bedesho.