Xildhibaanno wada hadal ka bilaabay Gobolka Gedo

0
412

Iyadoo Muran dhanka Maamulka ah uu ka taagan yahay Gobolka Gedo ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa Murankaasi in ay Xaliyaan ku baxay Siyaasiin iyo Xildhibaanno ka soo jeeda Gobolka Gedo.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka mid ah Xildhibaanada ku baxay Joojinta Xiisadaas oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in ay wada hadal la yeeshen  Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Garbahaareey iyo dadka Degaanka islamarkaana ay ku rajo weyn yihiin Dhameynta Xiisadaasi.

Sidoo kale Xildhibaan Magan ayaa intaa ku daray in ay wali aaminsan yihiin in Guddoomiye Maxamed Cabdi Kaliil uu yahay Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo waxii qalad ahana ay saxayaan.