{DAAWO SAWIRADA} 10 Waxyaabood Oo Isbuuc Dhammaadkaan Laga Bartay Kulamadii Wareega 8aad Ee England Premier League

0
459

Arsenal ayaa xasuuqday Manchester United iyadoo 3-0 uga badisay Axadii laakiin Liverpool ayaa barbardhac lagu qabtay taasoo keentay inay raacdayso tababareheedii Brendan Rodgers.

Reds ayaa hal dhibic ka heshay kulankii Merseyside derby balse taasi ugama filnaan inay badbaadiso shaqadii Rodgers, kaasoo taleefan loogu sheegay in laga cayriyey xulka tababarenimo ee kooxda ka dhisan Anfield Road.

Sunderland ayaa sidoo kale tababare la’aan ah ka dib markii uu Dick Advocaat ka tegay xilkaan ka dib markii ay barbardhac la galeen West Ham United. Halkaan shabakadda Hiranweyn.com ayaa idinkugu soo uruurisay 10 waxyaabood oo Isbuuc dhammaadkaan laga bartay horyaalka England Premier League

  1. Theo Walcott Wuxuu Tababare Arsene Wenger Tusayaa In Uusan Kayd Gelin Karin

Qaab ciyaareed wanaagsan ayuu kusoo bandhigay kulankii ka dhacay FLY Emirates Stadium, taageereyaasha kooxdiisa Arsenal ayaana u sarre joogsaday markii la bedelay. Xiddiga reer England ayaa hal abuure ka ahaa goolkii Mesut Ozil oo ahaa midkii labaad ee Arsenal, si la mid ah goolkii seddaxaad ee uu Arsenal u dhaliyey Alexis Sanchez.

Dhammaanteen waan ognahay sida uu u xawaare badan yahay Walcott, balse shaqada uu gabi ahaanba qabtay kulankaan ayaa ahayd mid cajiib ah, wuxuuna muujiyey in uusan keliya ku fiicnayn inuu kubadda la cararo markii uu daqiiqadii 39aad kubadda ka dafay Bastian Schweinsteiger isla markaana uu halkaas ka farsameeyey weerar kale oo culus oo ay Arsenal ku qaaday Man United.

  1. Arsenal Fursad Wayn Ayey U Haysataa Hanashada EPL Loolanka Furan Sannadkaan

Si xun ayey horyaalka ku bilowdeen xilli ciyaareedkaan, balse Gunners ayaa haatan dib usoo kabsatay, xitaa goolal ayey dhalin kareen Olivier Giroud iyo Aaron Ramsey kulankii Man United. Kooxda tababare Arsene Wenger ayaana haysata fursad ay horyaalka ku qaadi karto xilli ciyaareedkaan oo aan muddo sannado ah soo marin.

Arsenal ayaa weli iska sii xoojin karta dhanka qadka dhexe ee daafaca, balse waa in laga dhursugaa haddii ay qaadan karto cadaadiska musharraxnimada hanashada horyaalka. Si kastaba ha ahaatee, Wenger waa inuu maankiisa geliyaa in xilli ciyaareedkaan uu haysto fursad aan soo marin 12kii sanno ee ugu dambeysay oo ku aadan hanashada Premier League.

  1. Ings Waa Furaha Liverpool

Danny Ings ayaan ka mid ah noqon liiska ciyaartooy farabadan oo sannadihii ugu dambeeyey ku fashilmay maaliyadda casaanka ah ee Liverpool. Xiddiga reer England ayaana haatan u muuqda inuu fure u yahay Liverpool. Wuxuu ahaa xiddigoodii ugu fiicnaa Isbuucyadii ugu dambeeyey, taasoo keentay inuu helo jacaylka taageereyaasha kooxdiisa.

Goolashiisa ayaa sidoo kale caawiyey, Ings ayaa ahaa dhaliyaha goolkii Liverpool ee kulankii Merseyside derby.

  1. Spurs Dabeecad Cajiib Ah Ayey Leedahay

Tottenham ayaa lagu eedeyn jiray in aysan wax badan dagaalamin balse kulankii ay shalay la ciyaareen Swansea City waa ay iska dhaqday ceebtaas. Laba gool oo laba jeer looga hormaray ayeyna kasoo kabsatay iyadoo dhibic dahabi ah ka heshay kulan aan waxba la isku reeban.

Andre Ayew ayaa hogaanka u dhiibay Swansea, balse Christian Eriksen ayaa laad xor ah ugu barbareeyey Tottenham. Si kastaba ha ahaatee, Swansea ayaa markale hogaanka ciyaarta kula wareegtay gool uu iska dhaliyey Harry Kane, laakiin Eriksen ayaa markale laad xor ah dhibic ugu xalaaleeyey.

  1. Sunderland Ceeb Ayaa Ku Habsatay Xitaa Garoonka Bannaankiisa

Wakiil aan la magac dhabin ayaa la ogaaday inuu sannadkii mushaar ahaan uga qaato Sunderland adduun lacageed dhan 600 kun oo ginni. Si kastaba ha ahaatee, Sunderland ayaa lagu eedeeyey inay lacagtaas siisay ninkaas oo la tuhunsan yahay inuu uga shaqeeyo arrimaha suuqa kala iibsiga. Kooxdaan ayaa sannadihii lasoo dhaafay ku fashilantay howleheeda suuqa kala iibsiga iyo magacaabista tababareyaasha.

Inkastoo ay malaayiin ginni kasoo gelaysay lacagaha lagu baahiyo horyaalka Premier League sideedii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay, Sunderland waa ay ku guuldarraysatay inay dhisato koox hannaan wanaagsan lagu maamulo.

  1. Tababare Cusub Xitaa Kuma Filnaan Karo Sunderland

Xilka tababare ee Sunderland waa mid u dhib badan sida koox wayn, sannadihii ugu dambeeyey waxaa shaqadaan dhibka badan soo qabtay Steve Bruce, Martin O’Neil, Paolo Di Canio iyo Gus Poyet balse midkoodna ma keenin wixii laga filayey.

Dhaawacya ugu wayn waxaa u gaystay go’aanno xun, ciyaartooy liita oo ay soo iibsadeen iyo ciyaartoyda oo aan isla qabsan. Haatan Sunderland waxay u baahan tahay qorshe dheer oo mustaqbalka ah. Waxay u baahan yihiin tababare koox u dhisa isla markaana kooxda ku dabaqi kara hannaan maamul wanaag leh soona saari kara ciyaartooy tayo leh. Balse ma ahan shaqo sahlan, sababtoo ah muddo sannado ah lama eegin qorshahaan.

  1. Aguero Wuxuu Kusoo Laabtay Qaab Ciyaareedkiisii Wacnaa

Manuel Pellegrini wuxuu caddeeyey inuu Sergio Aguero u qalmo in lala meeldhigo Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo maadaama uu yahay ciyaaryahan heer caalami ah, shantii gool ee uu ku dhaliyey 20ka daqiiqo kulankii ay wajaheen Newcastle ayaana muujinaysa sida uu dib ugu soo helayq aabc iyaareedkiisa wanaagsan.

Aguero wuxuu ku biiray Dimitar Berbatov, Jermain Defoe, Alan Shearer iyo Andy Cole oo dhammaantood shan gool ka dhaliyey hal kulan oo Premier League ah. Xiddiga reer Argentina Aguero ayaana markiisii lixaad seddaxleey u dhaliyey Man City, wuxuu sidoo kale dhaliyey goolkiisii 84aad ee Premier League taasoo ka dhigan inuu haatan barbareeyey goolasha ay horyaalkaan ka dhaliyeen Cristiano Ronaldo iyo Carlos Tevez.

  1. Cherries Waa Ay Socon Kartaa La’aanta Wilson

Markii Callum Wilson uu noqday ciyaaryahankii seddaxaad ee dhaawac muddo dheer ah uu kasoo gaaray Bournemouth todobadii kulan ee furitaanka horyaalka, khabiirada kubadda cagta ayaa shaki geliyey in kooxda dhowaan galka ku ah Premier League ay natiijooyin fiican soo xaraysan karto.

Cherries ayaa Sabtidii barbardhac 1-1 ah la gashay kooxda Watford, Glenn Murray ayaana goolkeeda u dhaliyey balse guul ayey gaari lahayd haddii uu u dhalin lahaa rigooradii uu helay daqiiqadii 85aad. Bournemouth ayaana muujisay inay sii socon karto inkastoo ay dhaawacyo hareeyeen ciyaartoydeeda.

  1. Taageereyaasha Chelsea Waa Ay Soo Jeesteen

Saxaafadda ayaa si aad ah u buunbuunisay markii ay taageereyaasha Chelsea ku oriyeen tababare Jose Mourinho maadaama ay dhaliileen go’aankii uu ku bedelay Nemanja Matic oo uu bedel ku keenay qeybtii labaad ee kulankii ka dhacay Stamford Bridge ee ay guuldarrada 3-1 ah kala kulmeen Southampton.

Balse taageereyaasha fashiyey qeybta Matthew Harding Stand ee garoonka Stamford Bridge ayaaba xilligaas ka hor ku oriyey Mourinho maadaama aysan la dhicin go’aankii uu ciyaarta uga saaray Willian oo goolka keliya ee kulankaas u dhaliyey.

  1. Kulamada Duhurkii Waxay Dilayaan Xiisaha Taageereyaasha

Mid ka mid ah dalalka sida aadka ah looga taageero horyaalka Premier League waa dalka China, taageereyaasha Shiinaha jooga ayaana si aad ah u jecel kulamada Premier League ee soo gala waqtiga duhurkii xilliga UK. Balse garoonka Crystal Palace Selhurst Park taageereyaal badan ma aysan imaanin kulankii ay guusha 2-0 ah ka gaareen West Bromwich Albion, taasna waxay ku muujiyeen in ganacsi wanaagga horyaalku uusan u fiicnayn taageereyaasha minankooda la joogo.

Arsenal1

Alexis-Sanchez1 Arsenal1 Man Untnt Arsene-Wenger Arsenal1