{DAAWO SAWIRADA} Bashar al-Assad oo ammaanay duqeynta diyaaradaha Ruushka ee ay Siiriya ka geysanayaan

0
632

Madaxweyne Bashar al-Assad ayaa ku tilmaamay guul u soo hoyatay dowlada Siiriya iyo xulafadeeda ayna tahay mid ka badbaadin karta burbur Bariga Dhexe weerarada ay diyaaradaha Ruushka ka geysanayaan dalka Siiriya maalin kadib markii dowlada Ruushka ay sheegtay in ay kodhinayaan weerarada ay ku bartilmaameedsanayaan ururka IS.

“Duqeyntii ay wadamada reer Galbeedka iyo wadamada carabta ka wadeen Siiriya iyo Ciraq muddo sanad ah waxa ay noqdeen kuwo guuldareystay, waxay argagaxisada siiyeen fursad ay isku sii balaariyaan ciidamo cusub ku qortaan, balse isbahaysiga Ruushka,Iran,Ciraq iyo Siiriya waxa uu noqon doonaa mid guuleysta.”ayuu yiri Madaxweyne Assad.

“Waa inuu guuleysto haddii kale waxaa dhici doona burbur gobolka oo dhan ah ma aha oo kaliya ha lama labo wadan,”ayuu madaxweyne Assad u sheegay Taleefishinka Iran oo wareysanayay.

Madaxweyne Assad ayaa hadalkan jeediyay maalmo kadib markii ay diyaaradaha dagaalka Ruushka oo ka duulayay saldhigyo ay ka sameysteen Galbeedka Siiriya ay ku qaadeen weeraro bartilmaameedyo uu Ruushku ku tilmaamay inay tahay saldhigyo ay leeyihiin ururka IS balse wadamada Madaxweyne Assad ka soo horjeeda ay ku sheegeen inay duqeeyeen xarumaha ay mucaaradka dowlada Siiriya leeyihiin.

Maraykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa ku tilmaamay weerarada duqeyta ee diyaaradaha Ruushka kuwo lagu doonayo in lagu nooleeyo Assad kadib markii ay ku soo durkeen xoogaga mucaaradka. “Waxa ay taageerayaan kawaanlaha Assad, taasoo ah qalad weyn oo dunida oo dhan laga galay,”ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Britain David Cameron .

Madaxweyne Assad oo la weydiiyay mudada uu socon doono dagaalka Siiriya ayaa yiri: “Dagaalka waxa uu socon doonaa inta ay argagaxisada shacabka ay ka guuleysanayaan ama inta ay shacabka argagaxisada ka guuleysanayn, waxaan qabnaa rajo weyn isbahaysiga hadda la sameeyay in uu guuleysan doono.Haddan guuldareysano waxa ay la mid tahay in guuldaro gobolka oo dhan ay soo gaareyso.

Xukuumada Ruushka ayaa sheegtay Axadii in diyaaradaheeda ay labaatan weerar ka sameeyeen Siiriya ayna garaaceen toban xarun oo uu ururka IS leeyahay kuwaasoo ay ku jiraan dugsi tababar iyo warshad lagu farsameeyo suumanka isqarxinta loo adeegsado.

Dadka degen gobolka Homs ee dalka Siiriya ayaa sheegay in weeraro cirka ah oo lagu qaaday Axadii ay u malaynayaan in ay ahaayeen diyaaradaha dagaalka Ruushka deegaanka oo ah meel ay maamulaan dallad ay ku mideysan yihiin ururada mucaaradka dowlada Siiriya.

sukh

2200