{DAAWO SAWIRADA} Booliska garoonka Jorge Chavez oo gacanta ku dhigay Boorso lagu soo qariyay nin weyn

0
359

Dhacdadaani ayaa ka dhacday garoonka diyaaraddaha Jorge Chavez International Airport ee caasimada dalka Peru ee Lima kadib markii nin weyn lagu soo qariyay Boorso.

Ninkaani oo ay u suuragashay inuu ka badbaado Booliska ayaa waxaa markii danbe ka shifay ama qeyliyay mid kamid ah eeyihii ciidanka ahaa ee waxa uriya.

Ninkaasi laga soo dhexsaaray Boorsada ayaa waxaa la doonaayay in garoonka laga dhoofiyo si sharci daro ah hayeeshee ay ka shifeen eeyahaasi.

Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay fashilinta Boorsadaasi, waxa ayna arintaani noqoneysaa mid mudooyinkaani danbe kusoo badaneysay adduunka.