{DAAWO SAWIRADA} Daacish oo markii ugu horeysay dalka Bangaldhesh ka dhex fulisay fal Toogasho ah

0
367

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka carabta gaar ahaan Suuriya iyo Ciraaq ayaa markii ugu horeysay fal argagixiso ka geysatay gudaha dalka Bangaldheesh.

Sedex ka tirsan Kooxda ayaa waqooyiga dalka Bangladesh ku toogtay Nin u dhashay dalka Japan oo dalkaasi u gaaray Howlo ganacsi.

Ruuxa ay Daacish toogatay oo lagu magacaabi jiray Kunio Hoshi ayaa ku sii jeeday mashruuc beeraha ah oo ka socda Magaalada Kaunia, sida ay xaqiijiyen Boolisku.

Booliska Bangladesh, ayaa waxay sheegeen in dilka ninkaasi loo soo qabtay illaa afar nin, iyadoona su’aalo la weydiinayo waxa ay ka ogyihiin dilkaasi.

Ururka Daacish, ayaa ku hanjabay in meelkasta ay ku beegsanayan muwaadiniinta reer Japan, maadaama Xukuumadda Tokyo ay taageertay qorshaha ay kula dagaalamayan reer galbeedka.