{DAAWO SAWIRADA} Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo Duqeeyay Isbitaal ay Maamusho MSF

0
378

Diyaaradaha Dagaalka Dowlada Mareykanka ayaa saakay aroor hore waxa ay duqeyn la beegsadeen Isbitaal ay gacanta ku heyso Hay’ada Dhaqaatiirta aan Xuduuda laheyn ee MSF, xarunta la duqeeyay ayaana kutaala Magaalada Kunduz ee Dalka Afgaanistan.

Duqeynta waxaa ku dhintay 9- kamid ah Shaqaalaha Hay’ada MSF, halka tiro kale oo badan ay ku dhaawacmeen duqeyntaasi, Isbitaalka la duqeeyay ayaa xiliga la weeraray waxaa ku sugnaa in ka badan boqol Bukaan iyo ku dhawaad boqol qof kale oo katirsanaa Shaqaalaha MSF.

Hay’adda MSF, ayaa sheegtay in ay aad uga naxeen weerarka iyo dilka bukaanada isbtaalkeeda yiilay iyo shaqaalaheeda, MSF, waxa ayna Hay’ada soo dhigtay barteeda Twitter-ka sawirada shaqaalaheeda oo naxsan iyo howl caafimaad oo ka socota qeybaha badbaaday.

Magaalada Kunduz ee Dalka Afgaanistan waxaa maalmo kahor ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Dagaalyahanada Daalibaan oo qabsaday Magaaladaasi iyo Ciidamada Dowlada Afgaanistan , waxaana Magaaladasai Duqeymo dhanka cirka ah ka geesanayay Ciidamada NATO iyo kuwa Mareykanka.