{DAAWO SAWIRADA} Dowlada oo markii ugu horeysay ka hadashay Xariga Agaasimaha B/afrika ee Universal iyo Weriye Cawil Dahir

0
312

Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Xariga Agaasimaha Bariga Africa Universal iyo Weriye Cawil Daahir Salaad.

Maxamuud Cabdi Xasan Bekos oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ayaa sheegay in xariga Agaasimaha iyo Weriyaha uu yahay mid ay kawarqabaan islamarkaana ay Dowladu ku sameyneyso baaritaano la xiriira baahida keentay in Dooda noocaasi ah la baahiyo.

Waxa uu Wasiiru dowlaha sheegay in Dowladu ay la xisaabtami doonto cid waliba oo ku fogaato Arimaha Dowlada, waxa uuna sheegay in xariga Agaasimaha iyo Weriyaha uu yahay mid sharci ah.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in laamaha amaanka ay dhowr jeer Tv-ga Universal siiyeen digniino, balse aysan u hogaansamin.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Bekos, waxa uu ku celcelshay in Dowladu aysan cafin doonin warbaahintii xadgudub u geysata Sumcada Dowlada.