{DAAWO SAWIRADA} Meydadka Tahriibayaal ay Badda soo tuftay oo laga helay Xeebaha Dalka Liibiya

0
547

Wararka ka imaanaya Dalka Liibiya ayaa sheegaya in Xeebaha Magaalooyinka Zlitan iyo Khoms laga helay meydadka 40-qof oo Muhaajiriin Afrikaan ah kuwaa oo badda soo tuftay.

Meydadka 27-qof oo kamid ahaa dadka Tahriibayaasha ayaa laga helay xeebta Magaalada Zlitan oo qiyaastii 150-KM u jirta Caasimada Dalka Liibiya ee Tripoli, waxaa sidoo kale 13-qof kale iyana meydadkooda laga helay xeeb kutaala Magaalada Khoms.

Mohamed al-Masrati oo ka tirsan Bisha Cas Libya, ayaa sheeagay in ay soo aruuriyeen meydadka 40-qof oo Tahriibayaal ah kuwaa oo badda soo tuftay, waxaana wali jira meydad kale oo badda ku maqan kuwaa oo iyana baadi goob loogu jiro.

Meydadka laga helay Xeebaha Dalka Liibiya ayaa ahaa kuwa Afrikaan ah inkastoo aan la shaacin wadamada ay kasoo jeedaan, waxaana xeebaha Liibiya ka shiraacda doonyo tahriibayaal sida kuwaa oo mararka qaarkood ay doonta la degto ama cilad ku timaado.