{DAAWO SAWIRADA} Qeybtii u horeysay meydadka Xujeydii Iiraan u dhalatay oo la geeyay magaalada Tehran

0
340
Rafsanjani Raps West’s Dual Approach towards Terrorism

Qeybtii u horeysay meydadka Xujeydii u dhalatay Iiraan ee ku dhimatay is-buurashadii ka dhacday Mina ayaa maanta laga dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Tehran, halkaasoo salaad janaaso ah lagula dukaday.

Meydadkan oo gaaraya 104 ayaa ka mid ah 464 Xujey Iiraan ah oo ku dhintay is-buurashadii ka dhacday xajka, maalintii tobanaad ee Ciida Carafo, xilligaasoo ay gudanayeen waajibaadka Xajka.

Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani iyo Mas’uuliyiin kale oo Iiraan ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo dhoweynayay meydadka oo ubaxyo la dul-saarayay naxasha lagu siday meydka oo ku huwnaa calanka Iiraan.

Iiraan ayaa ku eedeysay Dowladda Sacuudiga maamul xumo qaabkii ay u maareysay xujeyda, waxaana ay uga tuurtay Sacuudiga, mas’uuliyada dadkii faraha badnaa ee ku dhintay musiibadaas.

Wasiirka Arrimaha Dibada Sacuudiga Adil Al-jubeir ayaa sheegay in Iiraan ay arrinta siyaasadeyneyso, isla markaana laga war-sugo baaritaanka.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa sheegaya in tirada dadkii ku dhintay musiibadii xajka ka dhacday ay ka badan tahay 1,000 ruux, hase ahaatee dowladda Sacuudiga ayaa ku adkeysaneysa in tirada guud ee ku dhimatay ay tahay 769 ruux.

Dalka Iiraan ayaa ahaa dalkii ugu badnaa ee xujeydii ku dhimatay isbuurashadii xajka ka dhacday todobaad ka hor.

52289162 Meyd Iiraaniyiin meyd iiraaniyiin2 meydka iiraaniyiin