{DAAWO SAWIRADA} Sida Magalada Muqdisho looga xusay Maalinta Calanka Soomaaliyeed

0
716

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Cumar C/rashiid ayaa khudbado ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho oo lagu maamuusayay 61-guuradii kasoo wareegtay maalinta Calanka Somalia.

Madaxweyne Xassan iyo Cumar C/rashiid ayaa ka hadlay muhiimadda dal walba uu u leeyahay maamuuska calankiisa, waxa ayna tilmaamen inay aad ugu faraxsan yahay inay ka qaybgalaan munaasabadda lagu xusayo 61-sano-guurada calanka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Calanka Somalia uu matalaayo Soomaali oo idil, islamarkaana Caalamka uu somalia ku aqoonsado calankaasi.

Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay in Calanka Somalia uu yahay mid muqadas ah oo aan waxba laga bedeli doonin islamarkaana wax lagu dari doonin.