{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed oo Garoowe lagu soo dhaweeyay:

0
333

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta tegay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo taliyaha ciidamada booliska maamulkaasi.

Socdaalka taliyaha booliska ayaa qeyb ka ah isku xirka booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada dalka ka jira ee Puntland qeybta ka tahay.

Taliyaha ciidamada booliska Puntland C/risaaq Afgaduud ayaa sheegay in magaalada Garowe uu ka dhici doono shir looga hadlayo arrimaha Booliska Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Ciidamada Booliska ee Dowladda Federaalka  iyo maamulada xubnaha ka ah Federaalka.

“Waxaa sharaf weyn ii ah in muddo ka badan dhowr iyo soddon sano aan anigu qof ahaan ku soo laabto magaalada Garowe,  anoo hore uga soo shaqeeyay degmada Eyl, si fiican ayaana naloogu soo dhaweeyay aniga iyo wafdigeeyga uu ka mid yahay taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska” ayuu yiri taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Taliyaha inta uu ku sugan yahay Puntland wuxuu kormeer ku tagi doonaa saldhigyada ciidanka booliiska,  gaar ahaan dugsiga tababarka booliiska ee Carmo.

xaamud-pl-3

xaamud-pl-1
xaamud-pl-4xaamud-pl-5