Ugu yaraan lix qof ka tirsanaa dhinacayadii dirirtu dhexmaratay ayaa ku dhimatay tiro kalan way ku dhaawacmeen kaddib markii uu maanta dagaal ciidamada dowladda iyo Al-shabaab uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Masalle-Adduun oo ku yaalla gobolka Gedo ee koonfur galbeeyd soomaalia
Deegaanka Masalle-Adduun ayaa dhowr iyo laabtan KM u jira magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo.
Guddoomiyaha gobolka Gedo ee uu dhowaan magacaabay maamulka Jubbaland Axmed Buule Maxamed (Canjeex) ayaa warbahinta u sheegay in dagaalkan ay qaadeen ciidamada dowladda
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhankooda dagaalkaasi ay uga dhinteen labo askari oo mid ka mid ah uu ahaa saraalkii hoggaamiyey ciidanka weerarka qaaday, askari kalana uu uga dhaawacmay sida uu shegay gudoomiyaha.voce
Warar madax-bannaan oo ay warbahinta heshay ayaa sheegaya in dagaalkaasi kaddib Alshabaab ay weerar ku qaadeeyn gaari ay wateen ciidamada dowladda oo u socoday deegaanka uu dagaalku ka dhacay oo ay halkaasi ku dhinteen afar ka tirsanaa ciidamada dowladda.