Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo Saaka ka jira Degmada Ceelbuur

0
307

Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee Bariga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saaka halkaa laga dareemayo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidamada Milatriga Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika Ee AMISOM.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay ka baxeen Degmada Ceelbuur,kuwaas oo u dhaqaaqay dhanka Degaanada Al-shabaab ay ka joogaan Gobolka Galgaduud.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka baxay Degmada Baledweyne ee Gobolka Jiiraan ayaa gaaray Degmada Ceelbuur,kuwaas oo qeyb ka noqonaya Howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Si kastaba Ciidamada Dowladda Soomalaiya iyo kuwa Midawga Afrika Ee AMISOM ayaa bilaabay Dhaqdhaqaayo ka dhan ah Al-shabab,kuwaas oo ka wada Galgaduud.