Guddoomiyaha Kulmiye iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha SL oo ka Hadlay Is-casilaadii Wasiirada

0
335

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin in madaxweynuhu tartankii doorashada golaha dhexe cid u xidhay,isla markaana tartankaasi yahay mid cid walba ka soo qaybgali karto.

“Qodobka ah Xisbiga cid baa loo xidhay. Horta golihii la isku dooranayay lama tagin. Meel madaxweynuhu ka yidhi cid baan taageerayaa oo cid gaar ah ayaan wataana fagaare iyo faq midna kumaynaan maqal. Anigana wuxuu dhegta ii saaray iyo wuxuu ii sheegay midna ma jiro,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlayey in madaxweynuhu taageeray gudoomiyaha.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa sheegay in eedaha madaxweyaha loo soo jeediyey aanay waxba ka jirin, waxaanu yidhi “Eedaha madaxweynaha loo jeediyay, horta madaxweyne kasta oo tagaya ama hawl gabaya, inkastoonu madaxweynuhu wali odhan waan hka fadhiistay oo anigu musharax ma ihi oo imika musharaxiinta uun ka mid yahay, haddana sida rayi caamku u badinayo hadduu yiraahdo waan ka fadhiistayba, madaxweynuhu waana oday, xaqna wuu u leeyahay inuu ciduu doono fartiisa u taago. Madaxweynuhu dambi kuma gali karo hadduu yidhaa qof baan u codaynayaa. Qof waliba qof buu u codaynayaa, madaxweynuhuna laba farood ma leh ee taa qof walba oo golaha dhexe leeyahay ayuun buu xaq u leeyahay,”

Guddoomiyaha Kulmiye wuxuu xusay in wasiirradu war aanay hubin isaga dhawaaqeen, isla markaana wararkii suuqa uun la boodeen sidaasna isku casileen, isagoo kasii hadlayay arrintaas ayuu yiri. “Marka loo fiirsado wasiirradii shalay is-casilay waxay yidhaahdeen qaarkodo, “madaxweynuhu cid buu taageerayaa.” Dadka waxaanu u sheegaynaa inaanan arrintaas hayn. Iyaga markii la sii waydiiyay waxay yidhaahdeen nagumuu odhane xan baanu ku maqalay, dee xanna la iskuma eedeeyo.”

Muuse BIixi ayaa intaas ku daray inuu ogol yahay in lala tartamo, isla markaana qof kasta oo doonaya inuu tartankaasi ka qaybgallo uu soo dhoweynayo.

“Xisbigani waa dimuqraadi, waa lagu tartamayaa, in la igula tartamo ayaanan ogolahay, horaa la iigula tartami jiray, waa la iga adkaan jiray, mar waan ku guulaysan jiray. Wax ceeb ah ma laha fagaaraha tartanku, qolkan ayuu ahaa kii aan ka lahaa waa la iga adkaaday ee inta xisbiga oo dhami iga soo horjeestay aan aayar isku dhiibay. Sharaf mooyee xumaan kama aanan qaadin. Mana ahan in col hortii la is eedeeyo, tartankuna waa uu furan yahay saaxiibadayna waan soo dhawaynayaa, xisbiga waa lagu tartamayaa waa u furan yahay, si hufan oo saxaafadu markhaati ka noqoto oo cid walba oo la doonayaa markhaati ka noqoto ayaanu diyaar u nahay, tartankana xukumad ahaan & xisbi ahaan nin walba wuu helayaaye yaynaan waxaan jirin ku kala yaacin,” ayuu yidhi

Sidoo kale, wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Waran Cadde ayaa sheegayay in qofkii amni-darro ku kaco tallaabo adag ka qaadi doonaan, isla markaana wuxuuu sheegay in masuuliyiintii is casishay aanu ka filayn inay nabadgalyo daro ku kacaan.

“Cid la yiri isma sharaxi karta ma jirto, kii golaha dhexe u doorta uun baa la isdaba taagaya hadii uu madaxweynaha yahay iyo hadii uu mid kale yahayba, haddii madaxweynuhu haro laftiisa kasoo baxa uun baa la is-daba-taagaya xisbiguna waa mid dimuqraaddi ah oo aan la kala lahayn”ayuu yidhi Cali Waran cadde.

Waran-cadde oo u hanjabaya masuuliyiintii is casishay waxa uu yidhi. “Cid kastoo ka talo-wda khadka casna waxan ahay ninka qoorta kala jabinay haddii aan kuwo taageersan nahay iyo kuwo diidanahay yahayba”.

Waran Cadde oo fariin u dirayey cidii amniga isku dayda inay waxyeelayso waxa uu yidhi “Dalkan qof iyo cid kale oo u hanjabi karta ma jirto, cid xuquuqdiisa meel lagaga dhacayaa ma jirto, wax hanjabaad keeni kara meesha ma yaalaan, kamana filanayno ragaanna qaar ka mid ah waxyaabo xun-xun.”

Dhinaca kale, wasiiradii shalay is-casilay ayaa sheegay inay mustaqbalkooda siyaasadeed ka tashanayaan, iyagoo xusay inaanay marna waxyeelayn xukuumaddii ay mudadda shanta sano la soo shaqaynayeen.

Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo warbaahinta maanta la hadlay ayaa sheegay inay ka arrinsanayaan mustaqbalkoodda siyaadeed, waxaanu yidhi “ shalay ayaanu xilka ka tagnay, Dawladdan muddo 5 sanno ka badan baanu u soo shaqaynaynay, qarankuna waa qarankayagii waanu sii dhisaynaa,”

Waxaanu intaas raaciyay. “Wax dhib ahi ma jiro, shacabkana waxaanu ugu baaqayaa inay is-dajiyaan oo dadka inoo ilaaliyaan, danteena iyo nabadgalyadeena ayaa ku jirta, anaguna kuwii dalka dhisayay ayaanu nahaye kuwii dalka laga ilaalinayay ma nihin.”

Cali_Waran_cadde_Muuse_Biixi_660 Wasiirradii_Somalialnd_ee_Maanta_Is_casilay_660