Kenya oo Shaqaalaha UNHCR ku eedeysay iney Taageeraan Alshabaab

0
369

Wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa ku eedeeyay shaqaalaha Hayada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga iney taageero ku siiyaan Alshabaab xeryaha dhadhaab oo ah xerada ugu weyn ee dunida oo qaxooti ku nool yahay.

Wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa sheegay in Shaqaalaha Qaramada Midoobay ay howlo kala duwan ka sameeyaan xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya, waxayna u fududeeyaan Alshabaab iney dhaqdhaqaaq ka sameeyaan xeryahaasi.
Joseph Nkaissery, ayaa sheegay in qaar kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNHCR ay xabsi ku muteysan doonaan taageerada tooska ah oo ay siiyaan ciidamada Alshabaab iyo ku lug lahaanshaha qorshe weerar ka dhaco dalka Kenya.
“Waxaan aad kaga walwalsanahay eedeynta shaqaalaha UNHCR shaqsiyaad ka tirsan, kuwaasi oo fududeeyay dhaqdhaqaaqyo aragagixiso oo ka dhaca gudaha Dalkan”ayuu yiri wasiirka oo ka qeyb galayay shir ka dhacay dalka Switezerland.
Xerada dhadhaab waa xerada ugu weyn ee qaxooti ku nool yahay oo ku taala dalka Kenya, waxaana dadka ku nool lagu qiyaasay 350,000 oo qaxooti, waxayna dadkaasi ku nool yihiin guryo cooshado ka sameysay oo ku yaala meel 50 KM u jirta xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.
Dadkaasi ayaa badankood ka tagay dalka Soomaaliya xiliyadii dagaalada ay ka dhacayeen waxaana kusii biiray qaxootiga Dhadhaab Soomaali kale oo ka carartay Soomaaliya sanadkii 2011 oo abaaro ku dhifteen dalka Soomaaliya, abaartaasi oo saameysay 11 Milyan oo ruux oo u dhashay dalalka Kenya, Somalia iyo Ethiopia.
Hubkii loo adeegsaday weeraradii Jaamacada Gaarisa iyo dhismaha Ganacsiga westgate ayuu sheegay wasiirka arimaha Gudaha Kenya in lagu qariyay xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya.
Dhanka kale afhayeenka UNHCR ee dalka Kenya Karin de Gruijl, ayaa sheegay iney layaab ku noqotay hadalka kasoo yeeray wasiirka u hadlay dowlada Kenya, wuxuuna sheegay in marnaba shaqaalaha UNHCR aysan ka suurtoobin in sidaasi ay sameeyaan.

 

kenya