Kooxda ISIS oo Khaarijisay Jeneraal sare oo katirsanaa Ciidamada Milatariga Dalka Iiraan

0
424

Kooxda ISIS ee ka dagaalanta Dalka Siiriya ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa duleedka magaalada Aleppo ee Dalka Siiriya ku Khaarijiyeen Jeneraal Hossein Hamedina oo ka tirsanaa hogaanka sare ee militariga Dalka Iran.

Jeneraal Hossein Hamedina, ayaa hogaaminayay Guutooyin gaar ah oo katirsan Ciidamada Milatariga Iiraan, kuwaa oo ku sugan Dalka Siiriya kana dhinac dagaalamaya Ciidamada Dowlada Siiriya iyo kooxda Xisbulaahi.

Dowlada Iiraan ayaa xaqiijisay dilka loo geestay Jeneraal Hossein Hamedina, mana jiro faah faahino ay Dowlada Iiraan ka bixisay qaabka uu u dhacay dilka Kooxda ISIS u geesatay Jeneraalkan katirsanaa Hogaanka Ciidamada Milatariga Iiraan.

Kooxda ISIS ee la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Jeneraalkan Reer Iiraan ayaan wali wax war ah kasoo saarin , waxa uuna Jeneraal Hossein Hamedina lagu xasuustaa in uu hogaaminayay ciidamadii Dowlada Iiraan ee xooga u adeegsaday kana kala diray dadkii mudahaardyada dalkaasi ka dhigayay sanadii 2009-kii