Kooxihii weeraray guriga Badha-saabka Gobolka Awdal oo gacanta lagu dhigay

0
341

Ciidamada booliska Somaliland ayaa sheegay inay shalay galab gacanta ku dhigeen shan nin oo ka mid ah kooxihii weerarka ku qaaday guriga guddoomiyaha gobolka Awdal.

“Ciidanka Boolisku markii falkaasi dhacay waxa uu galay hawl-gal balaadhan, iyadoo aanu dirnay ciidan xoojin ah, waxaanu helnay xog dhab ah raggii weerarkaan geystay ee askarta laayaay goob ay ku sugan yihiin. ciidanka Boolisku iyagoo fulinaya sharciga iyo nabad-gelyadda ay dalka uga masuulka yihiin, waxay kooxdaasi ugu tagteen goobtii ay ragaasi ku sugnaayeen, waxaana ciidanka booliska dhex maray dagaal. dagaalkaasi ka dib waxay ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen. shan xubnood oo mid ka mid ahi dhaawac yahay, laguna qabtay qori M16 ah iyo 26 xabo oo rasaas ah,”ayuu yidhi Taliyaha Boolisku Fadal.

Waxanu intaas ku daray “Isagoo ninkaasi dagaalamaya ayaa gacanta lagu dhigay, waxaanu qiraal ku bixiyay inuu ka mid yahay raggii weerarka geystay. ILAAHAY ayaa mahad leh, Arrintani waa guul ciidanka Booliska Somaliland u soo hoyatay, waxaanan ammaan u soo jeedinayaa ciidankii hawl-galkan fuliyay gaar ahaan ciidankii hawlgalkaasi fuliyay sida saraakiisha, saraakiil ku xigeenka, alifleyda iyo dableyda ayaad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa waxaanan leeyahay waa naftood hureyaal iyo dal-jireyaal.”

Dhinaca kale, waxaa rasaas ay rideen ciidamada booliiska wakhtigii laga darareey ciyaarta gobolada ee magaalada Boorama ka socda waxa ku dhintay wiil yar oo magaciisa la odhan jiray Ducaale Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim.

Askarigii xabaddu kaga fakatay ayaa isla markiiba xabsiga loo taxaabay, waxaana arrintasi ka Hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Yuusuf Cismaan Garas, waxaanu ka tacsiyadeeyey waalidkii dhalay wiilkaasi yar.

fadal imaan