Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi lasocda oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo

0
297

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira labada golle ee Dowlada ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa si diiran garoonka diyaaradaha Magalaada Baydhabo ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga lasocda ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayna halkaasi kulan kula leeyihiin Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo masuyliyiin kale oo katirsan Maamulkaasi.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana inta badan xiran wadooyinka muhiimka ah ee Magaaladaasi,waxaana qeybo badn oo Baydhabo kamid ah lagu arkayaa Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

mADAXWEYNE XASAN