Soomaali ku geeriyootay Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Magaalo kutaala Dalka Yaman

0
288

Wararka ka imaanaya Dalka Yaman ayaa sheegaya in Duqeyn xoogan ay geesteen Diyaaradaha Isbahaysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ay ku geeriyoodeen Qaxooti Soomaaliyeed oo dalkaasi kunoolaa.

Wakaalada Wararka Dalka Yaman ee Saba ayaa qortay in Duqeyn ay Diyaaradaha Isbahaysiga Carabta ka geesteen Magaalada Sacda ay ku geeriyeen 12-qof oo Soomaali ah oo kunoolaa Magaaladaasi, waxaa sidoo kale duqenta ku dhaawacmay tiro kale.

Diyaaradaha Isbahaysiga Carabya uu Hogaaminayo Sacuudiga ayaa duqeeyay meel buundo ah oo kutaala Magaalada Sacda, halkaas ay ku sugnaayeen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo duqeyntaasi dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay.

Soomaali badan ayaa ku dhimatay Colaada ka aloosan Dalka Yaman, waxaana inta badan Dadka Soomaaliyeed ay waxyeelo kasoo gaartaa Duqemaha ay Dalka Yaman ka geestaan Diyaaradaha Dagaalka Isbahysiga Carabta oo duqeeya mararka qaar goobo aan bartilmaameed ciidan aheyn.