Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay Murunka Soo xulista baarlamaanka Koofur Galbeed

0
384

Maxamed Cumar Carte, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa ka hadlay dhameystirka maamulka Koofur Galbeed iyo soo xulista xubnaha baarlamaanka maamulkaasi uu yeelanayo.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in haatan loo baahan yahay in si deg deg ah lagu dhameeyo is qabqabsiga ka jira soo xulista xubnaha baarlamaanka maamulka Koofur galbeed.
“Waxii cabashooyin ama tabashooyin ah oo ay qabaan beelaha waxaan doonaynaa in lagu dhameeyo miiska wadahadalka, oo lasoo dhisaa baarlamaanka iyo waxyaabaha ka dhiman maamulka Koofur galbeed”ayuu yiri Maxamed Cumar Carta.
Mr Carta, wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay taageero weyn ka geysan doonto qancinta beelaha Soomaaliyeed ee ku sugan gobolada maamulada loo sameynayo, dhankoodana loo baahan yahay iney ka qeyb qaataan dhismaha maamuladooda.
Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa haatan u dhiman dhismaha maamulka loo sameynayo Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, oo murun badan kadib la go’aansaday in dib loo bilaabo dhismaha maamulkaasi.

maxamed Cumar Carte