Baarlamaanka somali oo lagu wado in ay hortagaan gudigii loo diray xadka Somalia iyo kenya

0
361

Maanta oo isniin ah 23-ka Bisha Koow iyo Tobnaad ayaa Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu yeelan doonaa Kulan,waxaana Ajandahu yahay Labo Ajande oo kala ah U codeynta Hindise Sharciyeedka Maalgashiga iyo Warbixin laga dhageysanayo Guddigii Xaqiiqo raadinta ee loo diray muranka ka taagan Xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah Habdhowraha Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta u sheegay in Kulanka maanta Warbixin looga dhageysanayo Guddigii Xaqiiqo raadinta ee loo diray in ay soo arkaan xadbeeneedka Kenya ay ka sameyneyso Dhulka Soomaaliya islamarkaana uu Hogaaminayay Wasiirka Gaashandhiga C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Guddigaan maanta hortagaya Baarlamaanka ayaa soo Arkay Xaaladda ka jirta Xadka,iyagoo maanta Baarlamaanka u sheegi doona waxii ay soo Arkeen.