Baarlamaanka Soomaalia Oo Manta U Yeeray Wasiiro Ka Tirsan Xukumadda Soomaalia.

0
349

Baarlamaanka Soomaaliya oo manta kulan aan caddi ahaayn ka yeshay faragalinta dowlada keynya aay ku haayso dhuulka soomaalia ayaa uguu danbeeyn kulanki manta waxaa  aay uu yereen Wasiirro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya,kuwaas oo wax laga  weydiin doono Darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya.

Wasiiradda Baarlamaanka uu u yeeray manta  ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Wasiirka arimaha  Dibadda C/salaan Hadliye Cumar iyo C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Amniga Gudaha xukumadda soomaalia sii wax looga weeydiyo arimahan soo kordhay.

Wasiiraddaan ayaa wax laga weydiin doonaa Darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadka ay wadaagaan labada dal iyo Muran ka jira Magaalada Balad xaawo ee Gobolka Gedo ee koonfurta soomaalia oo ah in Kenya ay dhisatay Dhul ay Soomaaliya leedahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay si kulul uga hadashay Dhismaha Darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadka Labada dal ay Wadaagaan,iyadoo Sharci daro ku Tilmaantay dhismaha Darbiga.