Ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa AMISOM oo Baaritaan ka sameeyay Degmada Hiliwaa

0
366

Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM  iyo kuwa Nabad Sugidda Dowladda Soomaaliya ayaa Saaka ilaa Maanta Baaritaan Xooggan ka sameeyay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa Midawga Afrika ee AMISOM ay Howlgalkaasi ku soo qab qabteen Dad gaaraya ilaa 300 oo ruux,waxaana Dadkaasi la sheegay in kala saarid lagu sameeyay.

Goobjoogeyaal ayaa noo xaqiijiyay in Dadka qaarkood la siidaayay,halka kuwo kalena la saaray Gaadii ay wateen Ciidamada NISA ,kuwaas oo looga shakiyay in ay Xariir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab islamarkaan baaritaan baaris lagu sameyn doono.

Sidoo kale Baaritaanka ayaa saameeyay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,iyadoo la sheegay in Ciidamada ay halkaas baris ka sameeyeen.

Laamaha Ammaanka Soomaaliya wali kama hadlin Baaritaanka Ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya ay ka sameeyeen Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.