ciidamo ka tirsan ciidamada Jubbaland oo lagu dilay Kismaayo

0
366

Dagaal Khasaaro geystay ayaa Shabaab iyo ciidamada Jubbaland xalay waxa uu ku dhexmaray duleedka Magaalada Kismaayo, iyadoo dagaalkaasi ay faah-faahin ka bixiyeen Saraakiisha ciidamada Jubbaland.

Saraakiisha ciidamada Maamulka Jubbaland ee Daraawiishta ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaal culus oo xalay 11:00 Shabaab ay ku qaadeen Xerada Akadeemiyada ee ku taallo duleedka Magaalada Kismaayo.

Dagaalkaasi oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay.

Saraakiisha Ciidamada maamulka Jubbaland, ayaa sheegay 9 Askari in looga dilay weerarka, halka 8 kalena looga dhaawacay, sida uu Warbaahinta u sheegay Taliyaha ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay Shabaab dhankooda inay ka dileen lix Askari oo shan ka mid ah meydka ay ka carareen Shabaabka.

Xerada Akadeemiyada ee ku taallo Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku dhaw Saldhig ciidanka Amisom ay halkaasi ku leeyihiin.

Xoogaga Shabaab oo dagaalkaan culus xalay soo qaaday ayaanan weli wax faah-faahin ka bixin dhankooda iyo Khasaaraha ka soo gaaray dagaalkaasi.