{DAAWO SAWIRAD} inta udhaxeyso Wadada Isku Xirta Isgooyska SOS Iyo Waxar-cade dayactir ka bilaabowday

0
445

Wadadaani isku xirta isgoysyada SOS iyo xaafada waxaracade islmarkaana ay saameeyeen Roobabkii ka da`ay Magaalada Muqdisho ayaa Maamulka degmada Heliwaa waxa ay ka bilaabeen howlo lagu dayactirayo Wadadaasi.

Wadada ayaa waxaa dhibaato xoog leh ay ku qabay gaadiidka iyo dadweynaha isticmaala wadadaasi.iyo hareeraheeda.

Dayactirka wadadaasi ayaa waxaa iskakaashanaya Maamulka iyo Bulshada degmada Heliwaa ee Maqaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Maxamed Axmed Xaashi ” Qoslaaye” oo Warbaahinta kula Hadlay isgooyska SOS ayaa Marka hore u mahad celiyay Shacabka Degmada Heliwaa oo uu sheegay iney mar walbo diyaar u yihiin la shaqeynta Maamulkooda iyo ka qeyb qaadashada hormarka Degmada.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka sheekeeyay ahmiyada wadadaaani ay u leedahay bulshada Degmada Heliwaa iyo sida ay Maamulka Degmada ugu guuleysteen iney dayactir ka bilaabanaan.

waxa uu ugu baaqau Shacabkaa Soomaaliyeed ee ka soo jeeda degmada Helwaa iney ka qeyb qaataan dhismaha Wadooyinka Bur-bursan ee ku yaala degmadaasi.

Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane qoslaaye ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay dayactir ku bilaabi doonaan Wadada isku xirta isgooyska Ex koontarol Balcad iyo Xerada maslax ee duleedka Maqaalada Muqdisho.

Roobabkii ka da`aayay Magaalada Muqdisho Maalmahii ugu dambeeyay ayaa saameyn ku yaashey isu socodka Gaadiidka iyo dadweynaha kuwaaasi oo biyo Fadhiistay qaar ka mid ah wadooyinka Caaasimada Muqdisho.Waxaana horay Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir ay u sheegeen iney Arrimahaasi kala hadleen Injineerada Gobolka waxna laga qaban doono. puf