{DAAWO SAWIRADA} Afar maalin kadib Goobaha waxbarashada iyo Ganacsiga Brussels oo dib loo howlgaliyay

0
379

Waxaa dib loo howlgalshay iskuulada iyo goobaha ganacsiga ee ku yiilay magaalada Brussels, kadib markii halkaasi ay ka dhaceen Howlgalo dhowr cisho qaatay.

Iskuulada iyo Gaadiidka dhulka hoostiisa mara ee loo yaqaan Metro, ayaa muddo 4 maalin ahaa kuwo isku xayiran sababo la xiriira cabsi laga qabo falal argagixiso.

Magaalada oo idil ayaa waxaa ka dhacay Howlgalo guri guri ah waxaana inta badan wadooyinka gaaf wareegaya ciidamo fara badan oo ku hubeysan qoryaha daran dooriga u dhaca iyo gaadiidka gaashaaman.

Waxaa maanta la arkayay Carruur iyo dad waaweyn oo u kalahaaya goobaha waxbarashada iyo Shaqada inkastoo wadooyinka qaar ay ahaayen kuwo Saxmad ah.